Xafiiska Amniga Qaranka Soomaaliya ayaa maanta daahfuray shir falanqeynayo maareynta hubka, rasaasta iyo ka hortagga qaraxyada macmalka ah. Shirka ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana kasoo qeyb galay hay’adaha amniga ee heer federaal, dowlad goboleedyada iyo sidoo kale hay’ado caalami ah oo taageera la-dagaallanka hubka sharci darrada ah.
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Faderalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi iyo La-taliyaha Amniga Qaranka Xuseen Macalin ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiinta hadalka ka jeediyay shirka, wuxuuna sheegay in wadamada dariska ay ka shaqeeeyaan sidii looga hortagi lahaa hubka isaga goosha.
Waxaa si adag diiradda loo saaray baahida degdegga ah ee loo qabo in la ansixiyo istaraatiijiyadda amniga ee 2025-2030, si loo xakameeyo qulqulka hubka iyo looga hortago qaraxyada halista ah.
“La-dagaallanka hubka sharci darrada ah waa yool qaran,” ayuu yiri Xuseen Macalin, dhankiisa Wasiir Fiqi ayaa caddeeyay isagoo leh “Mas’uuliyad buuxda ayaa naga saaran ilaalinta amniga dalka.”
Mas’uuliyiinta ayaa isku raacay in la dardar geliyo qorshayaal cadcad oo mideysan, si looga hortago khatarta sii kordheysa ee hubka iyo qaraxyada gudaha dalka.
HBN ONLINE TV