Dowladda Soomaaliya oo Muqdisho ku qabatay shabakad tahriibin been abuur ah ku socdaalaysay

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Garoonka magaalada Muqdisho lagu qabtay nin ku eedeysan inuu tahriibanayey gabdho ku socdaalayey dukumiintiyo la xaday iyo mid been ah, kuwaa oo xabsiga la dhigay.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir Horgeeyay, Eedaysane lagu magacaabo Mahad Axmed Cumar Ina Binti Xasan Cali, kaas oo la qabtay asagoo tahriibinaaya sida hadalka loo dhigay eedaysanayaasha laba gabdhood oo lagu kala sheegay Ayaan Xasan Cali iyo Caasho Axmed Cali oo kala watay Baasaboor la xaday iyo mid been abuur ah.

“Makamadda markay ku qanacday warbixinta hor-dhaca ah ee xafiiska iyo booliska waxa ay eedaysanayaasha u gudbisay Xabsi ku hayn ku meel gaar ah. Marka la soo dhamaystiro baaritaanka kiiska, waxaa la bilaabi doonaa maxkamadaynta eedaysanayaasha” ayaa lagu yiri Bayaanka Garsoorka Soomaaliya.

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Soomaaliya ayaa sheegay inay ka go’an tahay la-dagaalanka shabakadaha ku howlan tahriibka iyo ka ganacsiga dhalinyaradda Soomaaliyeed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed