Dowladda Soomaaliya oo Mucaaradka ku eedeysay beddelidda ajandaha kadib markii wadahadalladu fashilmeen

Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa soo saartay warsaxaafadeed adag, kadib markii wadahadallo ay la lahayd mucaaradka oo ku saabsanaa arrimaha doorashooyinka ay ku soo dhammaadeen is-afgarad la’aan, iyadoo ku eedeysay qaar ka mid ah mucaaradka inay miiska la yimaadeen qodobo ka baxsan ajandihii lagu heshiiyey isla markaana aan lahayn sal dastuuri ah.

Bayaan ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka ayaa lagu sheegay in dowladda ay tan iyo bishii Maarso 2025 waday wadatashiyo joogto ah oo ay la lahayd madaxdii hore ee dalka, bulshada rayidka ah, aqoonyahanno iyo siyaasiyiin kala duwan, si loo dhageysto talooyinkooda ku aaddan dhismaha dowladnimo casri ah iyo dimuqraadiyeynta dalka.

Dowladdu waxay ku celisay in arrimaha masiiriga ah ee dalka lagu xallin karo oo keliya wada-xaajood, wadatashi iyo is-afgarad ku dhisan dastuurka iyo danaha guud ee qaranka. Waxay sidoo kale muujisay inay aqoonsan tahay doorka dhammaan daneeyayaasha siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan marka laga hadlayo hannaanka doorashooyinka iyo xasilloonida nidaamka federaalka.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in dowladda ay ka jawaabtay baaq ka soo baxay qaar ka mid ah mucaaradka ee isku magacaabay Golaha Mustaqbalka, iyadoo 18-kii Febraayo 2026 ka furtay gogol wada-xaajood rasmi ah Madaxtooyada Qaranka. Wadahadalladaas ayaa lagu waday in diiradda lagu saaro dhismaha guddi talo-bixin ka bixiya doorashooyinka federaalka, qabashada doorashooyinka dowlad-goboleedyada iyo qabashada kulan labaad bisha Abriil.

Si kastaba, dowladda ayaa sheegtay inay ka xun tahay in maalintii koowaad ee wada-xaajoodka ay qaar ka mid ah mucaaradka si kedis ah u beddeleen ajandihii lagu heshiiyey, iyagoo soo kordhiyey sida hadalka ay u dhigtay qodobo cusub oo aan hore loogu heshiin.
“Dowladda waxay nasiib darro u aragtaa in maalintii koowaad ee wada-xaajoodka ay qaar ka mid ah xubnaha Golaha Mustaqbalka si kedis ah u beddeleen ajendihii lagu heshiiyey, iyaga oo ku soo daray qodobo cusub oo aan horey loogu heshiin, kuwaas oo aan lahayn sal-dastuuri ah iyo tixraac sharci” ayaa lagu yiri warka DFS.

Waxyaabaha mucaaradka ay ku eedeysay DFS waxaa ka mid in qodobada ay keeneen miiska ay ku jireen “in Golaha Mustaqbalku ay talo toos ah ku yeeshaan hannaanka iyo maamulka doorashooyinka Dowlad-goboleedyada kale”, taas oo ah sida ay ku dooday dowladdu “arrin si cad uga hor imanaysa mabaadi’da ku xusan Dastuurka Dalka”
Dowladda ayaa intaas ku dartay inay muujisay dulqaad iyo dabacsanaan si loo ilaaliyo geeddi-socodka wada-hadalka, balse ay dhaliishay bayaan mucaaradku soo saareen oo ay ku tilmaantay mid aan ka tarjumayn xaqiiqada wada-hadalladii socday.

Ugu dambeyn, DFS ayaa adkaysay in albaabada wada-xaajoodku ay weli u furan yihiin cid kasta oo diyaar u ah wada-hadal dhab ah, iyadoo la ilaalinayo dastuurka dalka, midnimada qaranka iyo hirgelinta hannaan doorasho oo dimuqraadi ah oo ka tarjumaya rabitaanka shacabka Soomaaliyeed.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed