Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Rawgge ayaa loo magacaabay taliyaha cusub ee ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaraaha Soomaaliya.
Qoraalka oo lasoo dhigay bogga facebook ayaa lagu yiri “ Golaha Wasiirrada Xukuumadda JFS, oo caawa yeeshay kulan degdeg ah ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magacaabista Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo loo magacaabay S/Gaas Odowaa Yusuf Raage, si loo dardargeliyo difaaca dalka iyo ciribtirka kooxaha Khawaarijta.”
Sareeye Gaas Odowaa Yuusuf Raage ayaa beddelaya Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxyadiin oo xilka soo hayey tan iyo 19 Juun ee 2023.
Taliyaha cusub ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya S/G Odowaa ayaa markii hore xilka haayey muddo afar sano ah, ayaa la magacaabay 2019-kii.
Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo daba-yaaqadii sanadkii tegay kooxda looga saaray deegaano badan ayaa hakad ku jira muddo sanad iyo dheeraad ah. Kooxda Al-Shabaab ayaa iyana kordhisay weerarada ka dhanka ah saldhigyada ciidamada dowladda, kuwa ATMIS iyo goobaha shacabka.
HBN ONLINE TV