Dowladda Soomaaliya oo markale cafis u fidisay xubnaha doonaya inay ka soo goostaan Alshaabab

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dib u cusbooneysiiyay cafiskii loo fidiyay dagaalyahanada Alshabaab ayaa sheegay in weli ay jirto fursad ay kaga bixi karaan kooxdaas, oo Soomaaliya iyo Mareykanka labaduba u aqoonsan yihiin urur argagixiso.

Isaga oo digniin u dirayey dadka la macamila Alshabaab ayaa waxaa uu sheegay markale in fursad ay hortaalo la mid ah sida kuwii hore oo kale ee ka soo baxay kooxda, kuwaa oo ku kala jira qeybaha kudan ee dowaldda.

“Cafis waaye ninkii ka soo baxa, lama bahdilayo, laguma xirayo, kuwa ka soo noqday way joogaan sharaf iyo karaamay ku noolyihiin, ciidanka amniga ay ka mid yihiin, dowladday ka mid yihiin, ganacsiyagay ku jiraan” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynaha oo hoos u dhigay digniinaha amni ee dhawaan la soo saaray ee ku saabsanaa suurtagalnimada weeraro ka dhaca Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho ayaa been abuur ku tilmaamay wararka suuqa wareegaya, aysane dalka ka jirin wax khatar ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed