Guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa magacaabay guddi Ku meel gaar ah oo ka kooban labada Aqal, kuwaa oo ka shaqeyn doona hab daadajinta arimaha doorashooyinka.
Guddigan ku meel gaar ah ayaa la sheegay in loo xilsaaray diyaarinta xeerarka doorashooyinka, Ururada, Xisbiyadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, sharciga dhismaha guddiga doorashooyinka iyo sida oo kale soohdimaha.
Xubnahan oo ka ka kooban 10 Xildhibaan iyo 5 Senator ayaa ka shaqeyn doono arimaha kor lagu soo sheegay iyo in markii ay soo dhameeyaan howlahaasi in warbixin dhameystiran uu u soo gudbiyaan labada Aqal.
Guddiga ayaa shaqadoodu ku egtahay marka ay soo dhameeyaan howlgala loo igmaday, inkasta oo aan la ogeyn wakhtiga ay ku qaado karto.
HBN ONLINE TV