Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in dalka uu galayo marxalad doorasho, kadib war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo sheegtay in la qorsheynayo ay noqon doonaan kuwo loo dhan yahay, daahfuran, isla markaana ku saleysan shuruucda dalka.
Wasaaradda ayaa xustay in doorashadu ay tahay xaq dastuuri ah oo uu leeyahay muwaadin kasta, islamarkaana ay door weyn ka qaadato xoojinta kalsoonida dadweynaha, hufnaanta iyo ka qeybgalka bulshada ee doorashada hoggaanka dalka. Dowladda ayaa muujisay in la doonayo nidaam doorasho oo shacabka si toos ah uga qayb qaataan.
Sidoo kale, DFS ayaa caddeysay in geeddi-socodka doorashooyinka uu noqon doono mid xor iyo xalaal ah, kuna dhisan mabaadi’da dimuqraadiyadda, isla xisaabtanka iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta. Waxaa la tilmaamay in dhammaan hay’adaha ku shaqada leh doorashooyinka ay si buuxda u gudan doonaan waajibaadkooda si waafaqsan sharciga, inkasta oo aan la sheegin xili rasmiga ah ee la bilaabi doono doorashada ay iclaamisay.
Ugu dambeyn, DFS ayaa waxay wacad ku martay inay ka go’an tahay xoojinta dowladnimada, dimuqraadiyadda iyo hirgelinta nidaam doorasho oo hufan, iyadoo ugu baaqday shacabka dalka inay ka qeyb qaataan geeddi-socodka doorashooyinka ee soo socda.
HBN ONLINE TV

