Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqday badbaadinta dad rayid ah oo Alshabaab u afduubnaa & khasaare la gaarsiiyey kooxda

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidamada Gaarka ah ee Ciidanka Xoogga Dalka (CXD) howlgal qorshaysan ay ka fuliyeen deegaanka Buula Madiina oo hoostaga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose, kaas oo lagu bartilmaameedsaday xubno ka tirsan Alshabaab.

Howlgalka ayaa lagu dilay 3 ka tirsan maleeshiyaadka Alshabaab, kuwaas oo halkaas ku dhuumaaleysanayay, sida lagu xaqiijiyeen war saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya.

Intii uu socday howlgalka, ciidamada ayaa ku guuleystay inay xorriyaddooda u soo celiyaan 30 qof oo la sheegay in kooxdu ku haysteen afduub, waxaana dadka la badbaadiyey ka mid ahaa laba dumar ah oo muddo gacanta ugu jiray Alshabaab.

Ciidamadu sidoo kale waxay burburiyeen xabsi iyo maxkamad lagu sheegay mid been ah oo ay Alshabaab ugu adeegsanjirtay waxay wasaaraddu ugu yeertay “cabburinta iyo dhibaataynta” dadka shacabka ah ee deegaanka.

Howlgalkan oo la tilmaamay inuu mid si xeeladaeysan loo fuliyey ayaa lagu sheegtay in uu qayb ka yhaay dadaallada joogtada ah ee CXD ay ku wiiqayaan awoodda kooxda, iyadoo Dowladda Soomaaliya sheegtay in ujeedkoodu yahay xaqiijinta amniga shacabka iyo xasilloonida guud ee dalka.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed