Golaha Wasiirrada Xukuumadda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in abaartu gaartay heer qaran oo halis ah, kaddib kulan ay ku falanqeeyeen warbixin rasmi ah oo ku saabsan xaaladda abaarta, taas oo ka dhalatay yaraanta ama maqnaanshaha roobabkii deyrta.
Warbixinta ayaa xaqiijisay kulanka golaha lagu lafa guray in abaartu ay saameysay in ka badan 74 degmo, “iyadoo ay ku dhowaad 4.8 milyan oo qof la kulmeen dhibaatooyin daran, halka in ka badan 200,000 oo qof ay ku barakaceen abaarta, isla markaana ay si ba’an u saameysay in ka badan laba milyan oo xoolo ah”, taas oo si toos ah u halis gelisay cunnada, maciishadda iyo nolosha shacabka.
Golaha Wasiirradu waxay sheegeen in xaaladdan ay u baahan tahay gurmad degdeg ah, isku-duubni qaran iyo jawaab mideysan oo ay yeeshaan hay’adaha dowladda iyo bulshada, iyaga oo abaarta ku tilmaamay arrin mudnaan qaran leh.
Xukuumaddu waxay baaq qaran u dirtay shacabka Soomaaliya si ay uga qayb qaataan gurmadka iyo is-garab istaagga dadka ay abaartu saamaysay, halka ay baaq caalami ah u jeedisay beesha caalamka iyo hay’adaha samafalka si ay uga jawaabaan baahiyaha bani’aadannimo ee degdegga ah.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamze Cabdi Barre, ayaa faray dhammaan hay’adaha ay quseyso arrinta abaarta in ay xoojiyaan howlaha gurmadka, mideeyaan qorshayaasha, isla markaana mudnaanta koowaad siiyaan badbaadinta shacabka Soomaaliyeed, iyadoo xukuumaddu mar kale adkaysay ka go’naanshaheeda wax ka qabashada musiibadan.
HBN ONLINE TV

