Dowladda Soomaaliya oo ka qeyb galeysa shirka Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bankiga Adduunka

Si loo xoojiyo dhaqaalaha Soomaaliya, Wasiirka Maaliyadda Biixi Iimaan Cige oo hoggaaminaya wafdi heer sare ah oo ka socda Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bankiga Adduunka ayaa ka qeyb galay shirka maaliyadda iyo deynta ee ka furmay magaalada Washington ee dalka Mareykanka.

Shirkan oo socon doona muddo toddobaad ah, ayaa maanta billaabanaya, waxaana lagu wadaa in looga hadlo arrimo muhiim ah oo u dhexeeya istaraatiijiyada deyn cafinta iyo isbeddellada dhaqaale ee caalamka.

Wasiir Biixi Iimaan Cige iyo kooxdiisa ayaa wada-hadallo muhiim ah la yeeshay Dr. Mahmoud Mohieldin oo ah agaasimaha fulinta ee hay’adda IMF kuwaas oo diiraada saaray  dib u soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya kadib deyn cafinta.

Shirkan oo sanadkiiba hal mar la qabto ayaa waxaa ka soo qeyb galay madax kala duwan oo ka kala socotay hay’adaha IMF iyo Bankiga Adduunka oo loo qeybiyay Wasiirada Maaliyadda ee dalalka Geeska Afrika, kuwaasi oo dhamaantood ka qeyb qaadanaya dib u soo nooleynta Maaliyadda Soomaaliya.

Deyntii lagu lahaa Soomaaliya ayaa ee laga cafiyay 13-kii December, taasoo muujineysa horumar weyn oo dhanka dhaqaalaha ah. Hadda, dareenka ayaa u soo jeestay in lagu dhex maro caqabadaha kakan barnaamijyada deyn cafinta ka dib sida HIPC iyo ECF, iyadoo IMF iyo Bankiga Adduunka ay taageero muhiim ah siinayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed