Dowladda Soomaaliya oo ka hor timid doorashada uu ku talo jiro Axmed Madoobe

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa ku hanweyn in uu qabsado Doorasho Dadban, ka dib warqad uu soo saaray xilli Guddi ka shaqeynaya Xuduuddaha iyo Arrimaha Doorashooyinka ee maamulkaasi.

Guddigan Xuduuddaha oo ka kooban 7 xubnood ayaa waxaa magacaabay madaxweyne Axmed Madoobe, kuwaa oo la sheegay in ay ka shaqeyn doonaan arimaha doorashooyinka ee maamulkiisu damacsan yahay in uu qabto.

Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa ka hor timid wareegtadan ka soo baxaday maamulka Jubbaland, maadaama ay sheegtay in la dhaqangelinayo Doorashada Dadweyne ee horay u ansixyay Golaha Wadatashiga Qaranka.

War saxaafadeedka ka soo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe uu qeyb ka ahaa madaxda in muddo ah ka shaqeyneysay qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah, si meesha looga saaro mid dadban oo in muddo ah Dowladda lagu soo dhisayay.

Sida oo kale wasaaradda aya sheegtay in wakhtigii saxda ee muddo xilheyntu ka dhamaatay madaxweyne Axmed Maxamed Islam, iyada oo wixii ka dambeeyayna tilmaantay in uu xilka ku sii hayay heshiis siyaasadeed oo ay wada galeed Dowladda Federalka iyo Dowlad goboleedyadu, si looga wada shaqeeyo qabashada doorasho gof iyo cod ah, sidaa owgeedna uusan haysanin sharciyad uu dastuurka ku badalo ama mid uu ku maamulo sida hadalka loo dhigay doorasho ka duwan tii lagu heshiiyay.

Dowladda ayaa ugu baaqayday siyaasiyiinta, aqoonyahanka, madaxda dhaganka, culimada, haweenka, dhalinyarada iyo dhammaan shacabka Jubaland in ay difaacdaan sida hadalka loo dhigay awoodooda dastuuriga ah ee la xiriirta in ay si xor iyo xalaal ah u doortaan cidda xukumaysa, isla markaana ay ilaashadaan nabadooda, midnimada iyo wadajirkooda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed