Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay duulimaadyadii Muqdisho iyo Baydhabo.

Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay in wax hakad ah ku yimideen duulimaayadii maaalinlaha ahaa ee tagi jiray magaalada Baydhabo ee caasimadda ku meelgaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed, ka dib markii ay soo bexeen in dad u safrayey ay ku xayirmeen Muqdisho.

Hay’adda Duulista rayidka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in wax isbedel ah ama hakad ah ku imaan duulimaadyadii tagi jiray magaalada Baydhabo, waxaana ay shacabka ay la wadaagtay in arinta ah baaqashada aanu waxba ka jirin.

“Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA) waxa ay u xaqiijineeysaa dhammaan Shacab weynaha Soomaaliyeed in aysan jirin wax isbedel ama hakad ah oo ku yimid Duulimaad-yadii maalin-laha ahaa ee tagi jiray magaalada Baydhaba” ayaa lagu yiri fariin lagu daabacay bogga rasmi ah ee Hay’adda.

Duullimaadyada Diyaaradaha ee Muqdisho iyo Baydhabo ayaa dib u billowday ka dib markii saacaddo ka badan wakhtigii qorshaha kicitinkooda dad safar ahaa ay ku qaateen madaaradda Aadan Cadde iyo Shaati-gaduud, sida ay soo sheegeen dadka socdaalka ahaa.

Hadaba, markii warkaan soo shaac baxay ayaa waxaa ka dhashay falcelin xooggan oo baraha bulshada ku faafay, halka ay ka qayb yihiin dadka ka hadlay masuuliyiin iyo siyaasiin, waxaana ay farta ku faaqideen waxa iska bedelay socdaalkii Ra’iisal wasaare Xamsa uu ku tagay magaalada Baydhabo todobaadkii hore.

Isha ku haay HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed