Dowladda Soomaaliya oo jawaab kulul ka bixisay hadal dhawaan ka soo yeeray madaxweynaha kenya kaasoo sheegay in AS ay la wareegayaan dalka

Dowladda Soomaaliya ayaa jawaab  kulul  ka bixisay hadal dhawaan ka soo yeeray madaxweynaha dalka Kenya William Ruto oo dhawaan shaaca ka qaaday in haddii ATMIS ay ka baxdo Soomaaliya in Al-Shabaab ay la wareegi doonto dalka, hadalkaas oo uu Ruto ku sheegay in Soomaaliya ay gacanta ku dhigi doonaan Al shabaab Sidii ka dhacday Afghanistan haddii laga saaro Ciidamadda Shisheeye ee ka howlgalayay Soomaaliya 15 sano ee la soo dhaafay.

Wasiir Dowladdaha Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya Cali Balcad ayaa hadalkaas ku tilmaamay mid khaldan isaga oo sheegay in Soomaaliya iyo Afghanistan aan la is barbar dhigi karin marka laga hadlayo tallaabadan, oo ku ku sheegay mid aanan habbooneyn.

“Dhaqdhaqaaqqa aad ayuu uga duwan yahay kuwa Afghanistan. Bixitaanka Ciidamada shisheeye ma hor seedi doonaan xaaladaas oo kale, Awooda aan saarno dariiqa gaarka ah ee Soomaaliya u marayso Xasiloonideeda,, ayuu yidhi Cali Balcad.

Hadalkan ka soo yeeray madaxweynaha Kenya ayaa dhaliyay hadal heyn xooggan oo dhanka warbaahinta gobolka ah, isla markaana ay ka dhalatay falcelin ballaaran.

Ciidamada ATMIS ayaa lagu wadaa in ay dalka baxaan dhammaadka sanadkaan 2024, xilli dalalka ay ciidamadu ka joogaan Soomaaliya qaarkood ay riixayaan in la hakiyo bixitaanka ciidamada, kuwaas oo ka hela fursad dhaqaale oo ka badan kuwa ay ka helaan dalalkooda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed