Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta sheegtay inay ka guddoontqay Türkiye hub iyo qalab ciidan oo cusub, kuwaas oo loogu talagalay cutub ka tirsan Ciidanka Booliska Gaarka ah ee Harmacad, Ciidamadan waxaa tababarkooda Soomaaliya ka gacan siiya dowladda Turkiga.
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa Qalabkan ciidan wuxuu si rasmi ah ugala wareegay Safiirka Dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Alper Aktaş, kadib xaflad ka dhacday xarunta Ciidanka Harmacad.
Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Asad Cusman Cabdullahi, iyo mas’uuliyiin kale. Warbaahinta looma soo bandhigin hubka la wareejiyey, maadama sawirada la faafiyey inay kaliya muujiyeen ciidamada iyo masuuliyiinta laba dal.
Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in qalabka la wareejiyay uu yahay mid casri ah, isla markaana si weyn u xoojinaya awoodda howlgal, tababar iyo u-diyaargarowga Ciidanka Harmacad, oo dhowaan soo dhammeystay tababar sare oo lagu horumarinayay xirfadaha amniga iyo la-dagaallanka argagixisada.
Ugu dambeyn, masuuliyiinta Dowladda Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Dowladda Turkiga taageerada joogtada ah ee ay siiso hay’adaha amniga dalka, iyagoo carrabka ku adkeeyay in qalabkan cusub uu door muhiim ah ka qaadan doono sugidda amniga iyo xasilloonida guud ee Soomaaliya.
HBN ONLINE TV

