Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Muuse Salaad Wehliye oo faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay, dagaalo khasaare lagu gaarsiiyay sida uu hadalka u dhigay kooxda Al-shabaab oo ka dhacay gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dhamaan goobahii Shalay dagaaladu ka dhaceen ay gacanta ku hayaan ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Macawiisleeyda, kadib dagaal saacado badan qaatay.
Duqa gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ciidamada hadda ay gacanta ku hayaan goobihii gabaadka u ahaa kooxda iyo gododkii gabaadka u ahaa.
“Khawaariijta waan ku jabinay dagaalkii dhacay, ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaanka ayaa gacanta ku haya meelahii laga xureeyay Khawaariijta oo Shalay jab aan soo kabsasho laheyn la garasiiyay, godadkii iyo gabbaadyadii ay dhagarta kasoo maleegi jireen waan ka saarnay, wabiga ayaana ka gudbinay” ayuu yiri guddoomiye Muuse.
Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa boggaadiyay guulaha ciidamada iskaashanaya ay ka gaareen dagaalka ay kula jiraan kooxda Alshabaab, isagoona xusay inay sii wadi doonaan sida uu warka u yiri “dagaalka ka dhanka Al-shabaab ee looga xureynayo gobolka Hiiraan iyo guud ahaan dalka”.
Dagaalkii shalay ka dhacay deegaanada dhaca jiinka Wabiga Shabeelle ayaa ahaa kii ugu xoogana ee halkaas ka dhaca, waxaana guddoomiyaha uu sheegay iney dileen horjogayaal badan iyo maleeshiyaad kale, iyaga oo soo bandhigay xubno maxabiis ah oo kooxda looga qabtay dagaalka.
HBN ONLINE TV