Kadib howlgal qorsheysan oo ciidamada dowladda iyo Koonfur Galbeed ay ka fuliyeen deegaanka Kuunyo Buurow oo qiyaastii 30 KM dhanka galbeed kaga beegan degmada Buurhakaba ee gobolka Baay, ayey ku qabteen sarkaal ka tirsan Al-Shabaab oo lagu magacaabo Aadan Maxamed Cali Dhaayow.
Ninkaan oo ka mid ahaa saraakiisha sar sare ee kooxda ayaa dhabar jab weyn ku noqon doonta ciidamada Al-Shabaab ee ku sugan deegaankaasi, iyadoo la sheegay inuu ahaa horjooge u qaabilsanaa kooxaha abaabula weerarada iyo dhaq dhaqaaqyada.
Qabashada sarkaalkan ka tirsan Al-Shabaab ayaa ku soo beegmaysa xilli hay’adda nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA ay toddobaadkan soo bandhigtay 12-qof oo ka tirsana ururkaas, iyadoo ay sii kordhayaan howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab. Al-Shabaab. Eedeysanayaashan ayaa laga soo qabtay magaalada Baydhabo oo la sheegay inay ka mid tahay meelaha ugu daran ee ay iska abaabulaan.
Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ballan qaaday in dowladdiisa ay sii wadi doonto dagaalka guud ee ka dhanka ah Al-Shabaab inta laga gaarayo guul. Labadii sano ee la soo dhaafay ciidamada ayaa horumaro la taaban karo ka sameeyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, waxaana taasi keentay in dagaalyahano badan oo ka tirsan kooxda ay isku soo dhiibaan.
HBN NEWS DESK