Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa si adag u diidday qorshaha Somaliland, oo ay ugu yeertay maamulka waqooyi-galbeed ee Soomaaliya uu ku doonayo inuu kaga furto “safaarad” magaalada Qudus ee la haysto, iyadoo ku tilmaantay tallaabadaas mid sharci-darro ah oo meel ka dhac ku ah midnimada iyo madaxbannaanida dalka.
War-saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay mar kale xaqiijinayso sida ay uga go’an tahay ilaalinta wadajirka dhuleed, qarannimada iyo madax-bannaanida Soomaaliya.
Dowladdu waxay sheegtay inay si cad uga soo horjeeddo tallaabo kasta oo hal dhinac ah oo wax u dhimaysa jiritaanka dowladnimada Soomaaliya, isla markaana ka hor imanaysa qawaaniinta caalamiga ah iyo go’aannada hay’adaha heer gobol iyo kuwa caalami ah.
Sidoo kale, dowladda ayaa si adag u cambaareysay tallaabada Hargeysa ayaa in ficillada socda yihiin kuwo daandaansi ah ay u aragto.
“Dowladdu waxay caddeyneysaa in tallaabadan aysan lahayn wax sharciyad ah ama saameyn sharciyeed toona, isla markaana ay tahay fal daandaansi ah oo aan la aqbali karin, kaas oo meel ka dhac ku ah dareenka iyo mowqifka dalalka Carabta iyo caalamka Islaamka” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyn ku celisay mowqifkeeda ku aaddan ilaalinta midnnimada dalka iyo ixtiraamka shuruucda caalamiga ah.
Xalay, sida aad lula socoteen wararkayga, Xukuumadda Somaliland ayaa shaacisay inay safaaraddeedii ugu horreysay ka furan doonto magaalada Qudusta ee la haysto sida uu sheegay safiirkeeda Isriil Maxamed Xaaj.
Safiirka ayaa qoraal kooban oo uu ku baahiyay baraha bulshada ayuu ku sheegay inuu ku faraxsan yahay furitaanka safaaradda Somaliland ee Qudusta lahaysto, isaga oo tilmaamay in sidoo kale Isriil ay safaarad ka furan doonto Hargeysa.
HBN ONLINE TV

