Dowladda Soomaaliya oo faahfaahin ka bixiyey duqeymo lagu beegsaday Kooxda Daacish

iyadoo la kaashanaysa Taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa sheegtasy inay fulisay laba duqeyn oo cirka ah oo lagu beegsaday kooxda Daacish ee gobbolka Bari.

Duqeyntii ugu horreysay waxay dhacday 31-kii May 2025, meel qiyaastii 75-km koonfur kaga beegan magaalada Boosaaso, halka duqeyntii labaadna ay dhacday 1-da bishaan Juun meel qiyaastii 72km koonfur kaga beegan isla magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Howlgalladan ayaa qayb ka ah dadaallada wadajirka ah ee lagu wiiqayo sida hadalka loo dhigay awoodda kooxda Daacish ee ku aaddan qorsheynta iyo fulinta weerarada argagixiso ee khatar ku ah shacabka Soomaaliyeed, ciidamada qalabka sida iyo saaxiibada caalamiga ah.

DFS ayaa ku amaantay Taliska AFRICOM doorkii ay ku lahaayeen in la beegsado kooxda, waxayna mar kale sheegtay inay go’an tahay la dagaallanka kooxaha dowladdu ugu yeerto Khawaarijta ah, iyadoo kaashaneysa shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamiga ah, si loo xaqiijiyo nabadgelyada iyo xasilloonida dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed