Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in howlgal qorshaysan oo adag ka fulisay gobolka Shabeellaha Dhexe lagu beegsaday goob ay isugu keeneen maleeshiyaad badan Kooxda Alshabaab, kuwaa oo la tilmaamay inay wadaan falal ka dhan dadka deegaanka iyo Ciidamada dowladda.
Sida ay ku sheegtay war saxaafadeed ay soo saartay hay’addu, howlgalka oo si dhow loogu fuliyay xog sirdoon oo la xaqiijiyay, ayaa lagu dilay ku dhowaad 30 xubnood oo ka tirsan kooxda Alshaabab, kuwaas oo ku howlanaa sida hadalka loo dhigay abaabulka falal lagu carqaladeynayay amniga shacabka iyo ciidamada qaranka. Howlgalka ayaa ka dhacay tuulada Ceel-weyne, oo hoos tagta deegaanka Ceel-baraf, degmada Mahadaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalka ayaa lagu bartilmaameedsaday xarun ay kooxdu ku diyaarinayeen qorshayaal lagu weerarayo goobo ay joogaan ciidamada dowladda iyo dadka deegaanka ee la dagaallamaya Alshabaab.
Saraakiisha NISA ayaa xaqiijiyay in aysan jirin wax khasaare ah oo soo gaaray shacabka rayidka ah, isla markaana lagu guuleystay in la burburiyo xarumihii iyo agabkii ay kooxdaasi adeegsan jirtay.
Dagaalka wuxuu ku soo aadayaa iyadoo sabtidii todobaadkan ay ciidanka deegaanka Macawisleyda ee ka howlgalaya gobolka Shabeellaha dhexe ay fuliyeen weerar qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Ciid Ciidka Jimbilow, oo ku yaalla duleedka degmada Mahadaay, waxaana lagu dilay horjoogihii kooxda ee deegaankaas, oo lagu magacaabi jiray Muxudiin Xasan, iyo 3 xubnood oo kale oo la socday, sida uu soo tabiyey Raadiyadaha Ciidamada Xoogga.
Dowladda Soomaaliya ayaa mar kale ugu baaqday shacabka inay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha amniga, isla markaana ay soo gudbiyaan xog kasta oo la xiriirta dhaqdhaqaaqyada Alshabaab si wadashaqeyn loo ciribtiro waxay ugu yeertay argagixisada dalka ka jirta.
Xog la xariirta Faahfaahin: Horjoogihii Alshabaab ee Ciid-ciidka oo lagu dilay howlgal qorsheysan
HBN ONLINE TV

