Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in horjooge sare iyo xubno muhiim ah oo tirsan kooxda Alshabaab lagu dilay duqeymo galinkii dambe ee shalay ka dhacay deegaan Ceel-Bacad oo ka tirsan gobolka Shabellaha dhexe.
War kasoo baxay Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka ee NISA oo lagu faah-faahiyay howlgal qorsheysan oo ka dhacay Gobolka Shabeelaha ayaa lagu sheegay in lagu dilay horjooge lagu magcaabo Yuusuf Dhag-naas oo kooxda u qaabilsanaa deegaankaasi iyo xubno kale.
Warka NISA ayaa intaas lagu daray in Hoggaamiyaha lala beegsaday in ka badan 20 dagaalame oo katirsan Alshabaab sida lagu sheegay warsaxaafadeedka uu muddooyinkii ugu dambeeyey waday cabsi galinta dadka shacabka ee degan deegaannad uu ku magacownaa.
“Horjogaha lagu khaarijiyey howlgaladaan oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Dhag-naas ayaa muddooyinkii ugu dambeyey ku howllanaa cabsi galinta dadka deegaanka si uu lacago baad ah uga aruuriyo” ayaa lagu yiri.
Dagaallada ka socda Shabeellaha dhexe oo dowladda Soomaaliya ku dartay howlgallo duqeyn ah ayaa dadka ku shaqada leh arimaha Ciidamada sheegeen in kaalin ay ka qaadaneyso in kooxda si fudud looga adkaado.
HBN ONLINE TV