Dowladda Soomaaliya oo dishay sargaal sare oo ka tirsanaa kooxda Al shabaab kana hadashay howlgalkaas

Wasaaradda Gaadhaandhigga ee Soomaaliya ayaa shaacisay in howlgal qorsheysan oo ay ka sameyeen ciidamada dowladda gobolka Jubbada Hoose lagu dilay horjooge ka tirsanaa kooxda Al shabaab.

Howlgalka ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Kaamjiroon oo qiyaastii 75 KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland, kaasoo lagu tilmaamay mid lagu guuleystay, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay warbaahinta ku hadashay afka ciidamada Soomaaliya.

Qoraalka laguma sheegin magaca sargaalka la dilay iyo faah faahin dheeraad ah, markalaga reebo inuu Al-Shabaab u qaabilsanaa qeybta sirdoonka iyo aruurinta waxa ay ugu yeeraan Zakawaadka, oo kooxda dad ka qaadaan.

Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in ciidamada dowladda ay sii wadi doonaan howlgallada iyo beegsiga ay ku hayaan maleeshiyaadka iyo saraakiisha Al-Shbaab ee ka socda gobolada dalka, gaar ahaan deegaannada Kooxdu gacanta ku hayaan.

Jubbooyinka oo ay ku xoogan yihiin xubnaha Al-Shabaab ayaa waxaa badanaa ka dhaca howlgallo qorsheysan iyo duqeymo diyaaradeed oo lagu beegsado maleeshiyaadka kooxda. Dhanka kale majiro wax war ah ka soo baxay dhinaca kooxda Al shabaab oo ay kaga jawabayaan warkaan ka soo yeeray dowladda Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed