Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixisay howlgal duqeyn ah oo ka dhacay degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, kaas oo lagu dilay laba ka mid ah horjoogayaashii ugu halista badnaa kooxda Alshabaab, kuwaas oo si gaar ah ugu qaabilsanaa qaraxyada iyo howlgallada gudaha iyo dibadda.
Howlgalka ayaa waxaa fuliyay diyaaradaha Mareykanka, iyagoo kaashanaya Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), sida uu xaqiijiyay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi.
Wasiir Fiqi ayaa sheegay in Jilib ay tahay saldhig istiraatiiji ah oo Alshabaab u adeegsato abaabulka, qorshaynta iyo farsamaynta qaraxyada, islamarkaana howlgalkaasi lagu beegsaday shaqsiyaad muhiim u ahaa kooxda.
Duqeynta ayaa lagu dilay Injineer Cabdullaahi Cismaan Maxamed Abuukar, oo Alshabaab dhexdeeda looga yaqaannay Injineer Ismaaciil. Waxa uu tan iyo 2012 ilaa 2025 madax ka ahaa warbaahinta, farsamada hubka iyo qaraxyada Alshabaab. Sanadkii u dambeeyay waxaa loo dallacsiiyay Maktabka Guud ee Amniyaadka, isagoo ahaa gacanta midig ee hoggaamiyaha kooxda Axmed Diiriye (Abuu Cubeyda), loona diyaarinayay inuu mustaqbalka beddelo.
Sidoo kale, howlgalka waxaa lagu dilay isna Cabdikariim Maxamed Xirsi, oo loo yaqaannay “Qoorleex”, kaas oo u qaabilsanaa howlgallada qaraxyada dibadda, kana fulin jiray weerarro dalalka dariska ah, sidoo kalena ka mid ahaa masuuliyiinta sare ee Alshabaab ee Jubbooyinka.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Fiqi ayaa sheegay in Injineer Ismaaciil uu door weyn ku lahaa qaraxyo iyo weerarro waaweyn oo ay ka mid ahaayeen Qaraxyadii ugu cuslaa ee Muqdisho ka dahcay, ayna ka mid yihiin qaraxii Ceel-Gaabta ee lagu beegsaday kolonyada Madaxweynaha Soomaaliya 2025, Weerarkii Godka Jilicow isla sanadkii hore, Qaraxii Zoobe 2017, Qaraxyadii Kulliyadda Jaalle Siyaad , Hargaha iyo Saamaha 2011, Ex-Kontorool Afgooye 2019, Qaraxii Wasaaradda Waxbarashada ee Zoobe 2022 iyo weerarro kale oo ka dhacay xarumo dowladeed iyo goobo ay shacabka ku sugnaayeen.
“Saameynta istiraatiijiga ah ee howlgalkaan waa mid aad u weyn. Al-Shabaab waxaa laga jaray laf-dhabartii qaraxyada, amniga iyo howlgallada dibadda. Dilkooda kadib waxaa si muuqata hoos ugu dhacay tayada iyo isku-xirka weerarrada waaweyn,” ayuu yiri Wasiir Fiqi.
Ilaa hadda Al-Shabaab ma aysan qiran dilka labadan horjooge oo dilkoodu uu dhacay seddex asbuuc ka hor sida uu xaqiijiey wasiir Fiqi, halka Dowladda Soomaaliya ay sheegtay in kooxda aysan awoodin inay qirato khasaaraha culus ee soo gaaray.
Horjoogayaashan la dilay ayaa lagu tilmaamay kuwa ugu khatarta badan ee soo maray Alshabaab, kuwaas oo si toos ah u maamuli jiray qaraxyada, amniga gudaha iyo howlgalada argagixisada.
HBN ONLINE TV

