Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa muujisay in aysan aqbali doonin faragelin toos ah oo xubnaha Beesha Caalamka ee C6+ ay ka yeeshaan arrimaha siyaasadda gudaha ee dalka, ka dib war qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo si cad ugu jeediyay fariin digniin ah Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, oo ka mid ah xubnaha C6+ looo soo gaabbiyo.
Warqadda ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay leedahay hay’ado dowladeed oo rasmi ah oo si buuxda u shaqeeya, aysane jirin sabab sharci ama siyaasadeed oo Beesha Caalamku si toos ah faragelin ugu yeeshaan arrimaha gudaha ee dalka, xili warkan si gaar ah loogu socodsiiyay James Swan oo si qayaxan loogu sheegay in kaalinta C6+ billowgeedii hore loogu tala galay marxaladii ay Soomaaliya ku jirtay xilligii KMG oo hey’adaha dowladduna ay curdun ahaayeen, balse hadda dowladnimadu ay si dhameystiran u shaqeyneyso aysane jirin sabab ay Beesha Caalamku kaalin toos ah ugu yeeshaan siyaasadda gudaha.
Dowladdu waxay si adag u sheegtay in wada shaqeynta Beesha Caalamka la mariyo hay’adaha DFS, iyadoo meesha ka saartay in mar kale lagu dhaqmo xaaladihii KMG ah ee dalka uu soo maray. Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa dhankeeda muujisay in Soomaaliya diyaar u tahay wadashaqayn buuxda oo lala yeesho saaxiibada caalamiga ah, balse ay lagama maarmaan tahay in la ixtiraamo madax-bannaanida siyaasadeed iyo hay’adaha dowladda.
Beesha Caalamka C6+ ayaa ka kooban Qaramada Midoobay (UN), Midowga Afrika (AU), Midowga Yurub (EU), Urur Goboleedka IGAD, Dowladda Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska (UK).
Tallaabadan ayaa imaneysa xilli ay jiraan khilaafaad siyaasadeed oo ka taagan dalka, iyadoo dowladda Federaalka ay dooneyso in ay xoojiso gacanteeda ku aaddan hoggaaminta iyo maareynta arrimaha gudaha, si aysan u sii jiriin faragelin dibadeed oo dhaawacda geeddi-socodka dowlad-dhisidda.
Dowladda Soomaaliya ayaa u aqoonsatay C6+ inuu yahay qaab dhismeed laga guuray oo ujeedadii markii hore loo sameeyay aysan hadda jirin, waxayna ugu baaqday saaxibadda Beesha Caalamka inay Soomaaliya kula xiriiraan qaababka la isla oggol yahay oo ay u soo maraan hey’adaha sharciga ah.
HBN ONLINE TV