Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliya (SoDMA) ayaa soo saartay digniin degdeg ah kadib roobab xooggan oo ka da’ay magaalada Muqdisho, kuwaas oo sababay fatahaado dhaliyey khasaare baaxad leh. Fatahaadaha ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 11 qof, burbur xoogan oo gaaray guryo iyo kaabayaal muhiim ah, barakaca dad badan oo ku noolaa xaafado kala duwan, iyo xaalad bini’aadantinimo oo u baahan gurmad degdeg ah.
SoDMA waxay ku baaqday in si dhaqso leh loo fuliyo howlaha samatabixinta, lana kordhiyo taageerada degdega ah si loo yareeyo saameynta masiibada. Hay’addu waxay sidoo kale sheegtay in loo baahan yahay is-kaashi buuxa oo dhexmara dowladda, hay’adaha samafalka, iyo bulshada caalamka si wax looga qabto xaaladda taagan.
Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliya (SoDMA) ayaa warbixin kooban oo ay soo saartay ku sheegtay in roobab culus oo si lama filaan ah ugu da’e magaalada Muqdisho ay sababeen fatahaado baahsan, burbur hantiyeed iyo khasaare nafeed.
Bayaan ka soo baxay Hay’adda ayaa lagu yiri “waxaa gobolka Banaadir ka da’ay roob aad u culus oo socday muddo 2 ilaa 10 saacadood, iyadoo cabbirka roobka lagu qiyaasay 95mm ilaa 120mm, taasoo keentay fatahaad degdeg ah oo saameyn ku yeelatay dhammaan xaafadaha magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmooyinka hore ee magaalada”.
Sidoo kale, waxaa ay sheegtay Sodma in roobabkii da’ay ay ku barakeen 2,686 qoys, isagoo burburiyey 94 guri, 6 wado. dhanka Xeryaha barakacayaasha 26 qof ayaa waxyeello gaaray soo gaartay. “Fatahaaddu waxay adkaysay isu socodka, burburisay kaabeyaasha dhaqaalaha, waxna u dhintay adeegyada bulshada. Deegaannada taariikhiga ah ee Muqdisho ayaa ah kuwa ugu daran ee khasaarihii ugu badnaa laga diiwaan geliyay”.
Ugu dambeyn Hay’adda waxay ugu baaqday hay’adaha gargaarka iyo bulshada caalamka in ay si degdeg ah uga jawaabaan xaaladdan degdegga ah si loo yareeyo saameynta musiibadan.
HBN ONLINE TV