Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta shir guddoomiyey kulan degdeg ah oo muhiim ah, kaas oo looga hadlayay la-dagaallanka maalgelinta waxa loogu yeero argagixisada.
Kulanka waxaa ka qayb galay Guddiga Qaran ee la dagaalanka Lacag-dhaqidda, hey’adaha amniga iyo kuwa kale ee muhiimka u ah dowladda.
Shirkan oo degdeg ah oo ka dhacay Madaxtooyada qaranka ayaa la sheegay in diiradda lagu saaray dardargelinta dadaallada lagu wiiqayo maalgalinta waxa loo yaqaan argagixisada.
Sida oo kale kulanka ayaa carrabaabay in ay ka soo bexeen go’aanno adag oo lagu beegsanayo cid kasta oo ku lug yeelata maalgelinta falalka kor ku xusan.
Villa Soomaaliya ayaa sheegtay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu carrabka ku adkeeyey in gacan bir ah lagu qaban doono cid kasta oo ka qayb qaadata dhaqdhaqaaq kasta oo lagu taageerayo maalgelinta kooxaha dowladda ka soo horjeeda.
Waxaa lagu daray in madaxweynuhu faray hay’adaha dowladda, gaar ahaan kuwa amniga in ay qaadaan tallaabooyin degdeg ah oo dhinacyo badan taabanaya, si loo joojiyo sida loo dhigay baadda ay kooxda Alshabaab ka qaaddo shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa digniin culus u diray ganacsatada iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ku booriyey in ay ka digtoonaadaan sida warka lagu yiri “la macaamilka kooxaha Alshabab”, isaga oo caddeeyey in cid walba oo lagu helo “ku lug lahaanshaha maalgelinta kooxda laga qaadi doono tallaabooyin adag” oo waafaqsan sharciga.
Ugu dambeyn Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay adkeyneyso dadaalkeeda ku aaddan ciribtirka khatarta argagixisada si loo xoojiyo amniga iyo xasilloonida dalka.
HBN ONLINE TV