Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa maanta dib gacanta ugu dhigay Deegaanka Sabiib iyo Caanoole oo hoos yimaadda Degmadda Afgooye ee Gobalka Shabeellaha hoose, ka dib weerar culus iyo duqeymo oo saakay ay ku qaadeen.
Deegaanaddan ayaa waxaa horey ula wareegay Maleeshiyadda Kooxda Alshabaab, 9 Maalmood ka hor, markaasi oo weerar xooggan oo ay ku soo qaadeen sababay ugu dambayn in ay gacanta ku dhigaan oo ay la wareegaan.
Wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya oo la wadaagtay warbaahinta xogta la wareegista Sabiib iyo Caanoole ayaa sheegay in hadda si rasmi ah Ciidamada xoogga dalka ay gacanta uga hayaan, isla markaasne khasaare weyn ku gaarsiiyeen sida hadalka loo dhigay Alshabaab.
Sidoo kale, Afhayeenka wasaaradda Abuukar Maxamed Xasan oo ka warbixiyey howlgalladii ugu dambeeyey ayaa shaaciyey in duqeymo ka dhacay deegaanka Geel-gub ee shabeellaha dhexe in lagu dilay 30 xubnood, gacanta lagu dhigay, halka deegaan caduur lagu magacaabo oo isla gobolka ah lagu dilay laba kale.
Weerarkii ka dhacay Sabiib iyo Caanoole 20-kii bishaan oo sababay khasaare baaxad leh ayaa noqday mid si adag loogu dhaliilay dowladda Soomaaliya, wallow aanay ka jawaabin eedahaasi.
Weli kooxda ayaa gacanta ku haysa deegaanka Bariire iyo degmadda Awdheegle ee Gobalka Shabeellaha hoose oo iyana dhowr maalmood ka hor dagaal kula wareegeen.
HBN ONLINE TV