Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS oo kaashanaysa Turkiga ayaa dib u dhistay Buundada Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose, taas oo bishii Juun ay qarax ku burburiyeen kooxda Alshabaab xilligii ay wajaheen dagaal adag oo kaga yimid ciidamada xoogga Soomaaliya & kuwa midowga Afrika ee AUSSOM.
Buundadan oo ka mid ah kuwa ugu muhiimsan ee ku Taalla wabiga Shabelle, ayaa ah mid istaraatiiji ah oo xiriirisa deegaannada Sabiib iyo Caanoole. Mas’uuliyiinta dowladda ayaa xaqiijiyay in dib-u-dhiskeeda uu door muuqda ku lahaa dalka Turkiga, oo ka taageeray Soomaaliya mashaariicda dhismaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha.
Buundadu waxay ka mid tahay shan buundo oo muhiim ah oo ciidamada dowladda, iyagoo garab ka helaya ciidamada Aussom, ay dagaal adag u galeen sidii ay u qabsan lahaayeen uguna ilaashan lahaayeen inta lagu jiro howlgallada ka dhanka ah AlShabaab ee gobolka Shabeellaha Hoose bilihii la soo dhaafay.
Dayactirka Buundada oo ku taallaa duleedka degmada Afgooye ayaa qiyaastii 35-km dhanka Koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho, waxaana dib u furisteeda laga filayaa inay si weyn u fududeyso isku socodka dadka iyo gaadiidka, isla markaana kor u qaaddo dhaqaalaha deegaanka.
Hbn Online Tv

