Dowladda Soomaaliya oo dib u Bilowday Abaabulka Dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee Hirshabeelle

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dib u billowday abaabulka dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab, iyada oo qorshaha koobaad ee howlgalladda ay yihiin deegaanada Hirshabeelle, gaar ahaan xuduudda u dhexeysa gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Wafdi sare oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliya Jeneraal Sahal Cabdullaahi ayaa maanta gaaray degmada Moqokori ee gobolka Hiiraan, halkaasi oo uu kula kulmay saraakiil ciidan, kuwaas oo haatan dagaal adag kula jira kooxda Alshabaab. Xubnaha kale ee uu kulanka la qaatay waxaa kamid ah Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan.

Masuuliyiintan ayaa qaban doono wadatashiyo lagu dardargelinayo howlgalka ka dhanka ah kooxda, iyadoo Dowladdu ay carrabowday in ay go’an ku tahay xoreynta guud ahaan deegaannada ay weli ku dhuumaaleysanayaan Al-Shabaab.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa adkeysay in sii wadi doonto dadaallada lagu magacaabay ciribtirka kooxaha argagixisada si loo xaqiijiyo nabadda, xasilloonida, iyo horumarka dalka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed