Dowladda Soomaaliya oo Deni ku eedeysay inuu “Cabsi Galin” iyo dagaal ka wado Sanaag

Dowladda Soomaaliya oo si kulul uga hadashay dagaalka iyo xiisada ka taagan magaalada Dhahar ee gobolka Sanaag ayey ku eedeysay inuu ka dambeeyey mamaulka Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, iyada oo ku tilmaantay inuu yahay mid halis ah.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya ayaa Qoraal ay soo saartay ayaa Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni lagu eedeyay inuu si bareer ah weerar ugu soo qaaday sida hadalka loo dhigay Magaalada Dhahar, isaga oo ciidamo ku soo daabulay halkaasi. Weerarkaasi ayaa lagu siyeyey “cabsi galin iyo barakicin shacab”.

“Magaalada Dhahar ayuu Siciid Deni ka ridey dagaal keenay dhimasho iyo dhaawac dhalinyaro Soomaaliyeed, cabsi gelin iyo barokicin shacab. Ficilkiisa maanta, waxa uu horey uga jeediyey meel fagaare ah, isaga oo ku celceliyey colaad ka dhan ah geeddi-socodka dhimeystirka Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo” ayaa lagu yiri bayaanka oo uu ku saxiixnaa wasiirka arimaah gudaha Cali Yuusuf Xoosh.

Isagoo sii hadlaya wasiir Xoosh ayuu caddeeyay in aysan cidna hor istaagi karin dhismaha Maamulka SSC Khaatumo isaga oo leh “Dhismaha Dowlad goboleedyadu waa masuuliyadda Dowladda Federaalka ah, cidii cabasho ka qabta, doodeeda hasoo dhex mariso hay’adaha dastuuriga ah ee dowladda federaalka ah. Qofna ma caburin karo shacabka, qofna qori kuma gaari karo siyaasadihiisa guracan”.

Ugu dambeyn, wuxuu ku baaqay in la ilaaliyo nabadda gobolka Sanaag, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara Colaad.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed