Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kaashanaya Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta duleedka Muqdisho ku gubay 250 kartoon oo daroogo ah, kuwaas oo lagu qabtay Dekedda iyo Garoonka Aadan Cadde, kadib amar ka soo baxay Maxkamadda Gobolka Banaadir.
Warqad rasmi ah oo maxkamaddu soo saartay ayaa oggolaatay in la baabi’iyo maandooriyaha (Taabuu) oo ahaa konteenar dhan.
Taliska Booliska ayaa sheegay in daroogadani khatar caafimaad ku tahay bulshada, gaar ahaan dhalinyarada waxbarata iyo kuwa hadda suuqa ka shaqeeya ee gadiidka wada, sida uu warbaahinta u sheegeen Cabdifitaax Aadan Xasan iyo Xeer-ilaaliye ku-xigeenka Qaranka Cabdirashiid Ismaaciil Nuur
Sidoo kale, maxkamaddu waxay xukun ku riday Cali Maxamed Cumar oo lagu sheegay inuu ahaa qofkii soo dejiyay daroogada dalka.
Xeer-ilaalintu waxay uga digtay ganacsatada iyo dadka ku lug leh maandooriyaha in laga fogaado, iyadoo lagu wargeliyey in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo dambigan.