Dowladda Soomaaliya oo beenisay war lagu baahiyay warbaahinta isla markaana shaacisay tirada magaalooyinka laga saaray Al shabaab labadii sano ee la soo dhaafay

Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay bayaan ku aaddan in 70 magaalo ay ka saareen kooxda Al shabaab taniyo markii uu bilaawday howlgallada ka dhanka ah kooxdaas, tirada magaalooyinka dowladda ay sheegtay in la xoreyay ayaa  kala tirsan maamulada Galmudug, Hirshabelle iyo Jubbaland.

Qoraalka ka soo baxay dowladda ee lagu baahiyay warbaahinta dowladda ayaa lagu xusay in deegaanadaasi ay ku xooganaayeen maleeshiyaadka kooxda Al shabab balse hadda ay ku jiraan gacanta dowladda, isla markaana ay kamid yihiin magaalloyinka Aadan Yabaal, Ruun-nirgood, Ceeldheer Xarardheere & Buulo Xaaji.

Sidoo kale, dowladda ayaa sheegtay in ay ku guuleystay inay dib u soo celiyaan isu socodka dadka iyo gaadiidka oo ku sugan meel 800-km u jirta Muqdisho, taasoo keentay inay  ku safraan si nabad ah. Sidoo kale, waxaay carabka  ku dhufatay in ay ka socdaan howlgallo gobollada Shabeellaha Hoose, Baay, Bakool, Gedo, iyo Jubbada Hoose.

Marka laga soo tago warkaas,  dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay walaaac ka muujisay  warbixin ay dhawaan baahisay VOA-da oo ay ku tilmaamtay mid lagu marin habaabinayo horumarka ay sameynayaan ciidamada qalabka sida. Xukuumadu waxay  beenisay war ay ku sheegtay been abuur ee 17-kii bishaan June ay bahaisay VOA, kaasoo ku saabsanaa in aanan hormar weyn laga gaarin howlgallada ay wadaan ciidamada Soomaaliya ee ku aaddan Al shabaab, isla markaana kooxdu ay dib u qabsadeen goobo horay looga saaray.

Warkaas ayaa qabsaday warbaahinta bulshada ay ku xiriirto, gaar barta X ee horay loo oran jiray Twiter iyo Facebook.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed