Dowladda Soomaaliya oo beenisay in dad rayid ah ay waxyeelo ka soo gaartay howlgallada ay wadaan ciidamadeeda oo ay taageerayaan diyaaradaha Turkiga

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International oo Soomaaliya iyo Turkiga ku eedeeysay in ay dileen dad rayid ah isla markaana soo saartay war culus iyo dowladda Soomaaliya oo arrintaas ka jawaabtay.

Hay’adda xuquuqul iinsaanka ee Amnesty International ayaa warbixin cusub oo ay soo saartay ku eedaysay milateriga Soomaaliya inay dileen 23 qof oo rayid ah, oo ay ku jiraan 14 carruur ah iyo shan dumar ah, intii lagu jiray duqaymo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga kuwaas oo taageerayay ciidamada Soomaaliya, kaasoo dhacay Maarso 18, 2024.

Weerarkan oo la sheegay in lala beegsaday xoogaga Al shabaab ee ku sugan gobolka Sh/hoose ee koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 17 kale oo rayid ah oo ay ku jiraan 11 caruur ah iyo labo haween ah, sida lagu sheegay warbixinta.

Hay’adda xuquuqul insaanka ayaa ugu baaqday labada dowladood ee Soomaaliya iyo Turkiga inay baaritaan ku sameeyaan dhacdooyinkan loo diiwaan galin karo dembiyo dagaal ee suurtagalka ah. Agaasimaha gobolka ee Amnesty International ee Bariga iyo Koonfurta Afrika, Tigere Chagutah, ayaa yiri, “Dadka badbaaday iyo qoysaskooda waxay mudan yihiin run, caddaalad, iyo magdhow.”

Warbixintu waxa ay faah faahin ka bixisay khasaaraha baaxada leh ee ka dhashay weeraradii diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ka dhacay tuulada Jambaluul iyo agagaarka tuulada Baqdaad.Baaritaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in bambaanooyinka laga soo tuuray diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay dhibaato xooggan geysteen.
Hay’adda u dooda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International oo ka jawaabeysa warbixintaasi ayaa warqado u kala dirtay dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga, taasi oo ay kaga codsaneyso in faah faahin laga bixiyo howlgalkaasi . Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) kama aysan jawaabin su’aalaha Amnesty ee ku saabsan in ciidamada Mareykanka ay ku lug lahaayeen duqeymaha, sida lagu sheegay warbixinta.

Dhinaca kale wasiir kuxigeenka warfaafinta ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusuf Al-caddaala, oo la hadlay idaacada BBC-da waxa uu ku gaabsaday in aanay dawladdu hayn xog dad rayida oo wax ku noqday hawgallada ay ku jirto ee ka dhanka ah Al-shabaab.

Al Cadaala ayaa sheegay in dagaaladu ka socdaan meelo kala duwan isla markaana aany jirin war ay ka hayaan oo sugan oo ku saabsan dad shacaba oo waxyeelo soo gaartay, isla markaan waa sida hadalka u uu dhigay ay si joogta ah dabo gal ugu sameynaa,.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed