Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo, si uu u wax uga qabto xiisadda siyaasadeed ee soo ka la dhex galay Villa Somalia iyo Koonfur Galbeed, ka dib markii la isku fahmi waayey bixitaanka Ciidamada Itoobiya.
Ilo wareedyo la socda safarka Ra’iisulwasaaraha ayaa sheegaya socdaalkiisa uu ku qotomada in Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen uu isaga iyo maamulkiisa kaga qanci lahaa is faham waayaga siyaasadeed ee uu ka muujiyey dowladda dhexe, sida oo kalane uu ugu qanci doono in uu yimaado Magaalada Muqdisho, loona ambaqaado xalinta arrimaha taagan iyo tabashada ay qabto Koonfur Galbeed.
Lama oga in Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed ( Laftagareen) uu aqbali doono dalabka Ra’iisul Wasaaraha, inkasta oo war ka soo baxay xafiiska xukuumadda lagu sheegay in laga wada hadli doono dardar gelinta dagaalka ka dhanka ah Alshabaab, arrimaha siyaasadda, amniga iyo horumarinta dhaqaalaha.
khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Villa Somalia ayaa ka dambeeyay, ka dib markii Xildhibaano gaaraya ilaa 25 oo katirsan Golaha Shacabka ay sheegeen inay taagersan yihiin in degaannada Koonfur Galbeed ay sii joogaan Ciidamada Itoobiya, hadalkaas oo dadka falanqeeya siyaasadda gobolka ay ku tilmaameen in uu gaf ku yahay qaranimada iyo madaxbaanida Soomaaliya.
Sida oo kale khilaafka ayaa soo if baxay, ka dib heshiiskii Qaahira dhanka difaaca ah uu ku dhexmaray Soomaaliya iyo Masar, kaasi oo dowladda Itoobiya ka carootay, iyada oo ay ku tilmaantay mid wax u dhimaya amniga gobolka, inkasta oo Muqdisho ku dooday in ay tahay dal u madaxbanaan in uu galo heshiiska kasta oo uu doonayo.
HBN ONLINE TV

