Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warsaxaafadeed ay soo saartay waxay ku dalbatay in si deg deg ah loo joojiyo weerarada Israa’iil ee ka dhanka ah Gaza, waxayna ugu baaqday dhammaan dhinacyada ku lugta leh xiisadda Bariga Dhexe in ay is xakameeyaan.
Kadib markii ay sii xoogeysatay xiisada ka taagan bariga dhexe ayaa Soomaaliya waxa ay ku biirtay beesha caalamka oo ku baaqday in la joojiyo colaada. Dowladda Soomaaliya ayaa ku nuuxnuuxsatay in loo baahan yahay in si deg deg ah dhammaan dhinacyada ay u joojiyaan hurinta colaadda, isla markaana ay wadahadlaan si dhibaatada lagu xalliyo si nabad ah.
“Waxaan ku boorrinaynaa dhammaan dhinacyada ay khusayso inay sida ugu dhaqsaha badan u joojiyaan colaadda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka, iyadoo hoosta laga xariiqay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay inay taageerto hindisayaasha lagu horumarinayo nabadda iyo ammaanka gobolka. Soomaaliya ayaa mar kale xaqiijisay in ay garab taagan tahay shacabka Falastiin si ay u raadiyaan aayo ka tashi iyo cadaalad.
Baaqa xabbad-joojinta ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay sii kordhayso walaaca caalamiga ah ee ku aaddan saamaynta bini’aadannimo ee rabshadaha Gaza, halkaas oo ay sii kordhayaan khasaaraha dadka rayidka ah. Mawqifka Soomaaliya wuxuu ka tarjumayaa is-afgaradka caalamiga ah ee baahida degdegga ah ee xiisadda iyo wadahadalka si looga hortago khasaare kale oo naf iyo maalba leh.
Arrintaan ayaa ku soo aaday, xilli dowladda Iran ay weerar ka ku qaaday maamulka Israel kaasoo sii kordhiyay xiisad Bariga dhexe, waxana walaac xooggan laga qabaa in xaaladdu sii xumaato.
HBN NEWS DESK