Dowladda Soomaaliya oo ballanqaad culus u sameysay Macawisleyda Hiiraan

Kadib kulamo xasaasi ah oo muddo labo maalmood ah ka socday magaalada Maxaas ee gobolka Hiiraan ayaa waxaa laga soo saaray qodobo muhiim ah oo la isku raacay, kuwaas oo dhex maray saraakiisha ciidamada deegaanka ee Macawisleyda Hiiraan iyo masuuliyiin ka socday Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS oo kulanka ka qeyb ahaa.

Kulamadan oo lagu gorfeeyay xaaladda amni ee gobolka, kadib qabsashadii Alshabaab ee degmada Moqokori iyo doorka muhiimka ah ee Macawisleydu ka qaadanayaan dagaalka lagula jiro kooxda Alshabaab ayaa lagu go’aamiyay dib u abaabulka ciidamada deegaanka iyo xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya DFS iyo hoggaanka ciidamada deegaanka.

Hoggaamiyaha Macawisleyda Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in DFS ay ballanqaad cad u samaysay ciidamada deegaanka iyo qoysaskooda, si ay si buuxda ugu garab istaagto hawlgallada ka dhanka ah Alshabaab.

Sidoo kale, wuxuu ku adkeeyey isaga oo ciidamada ka hor khudbaynaya inay si adag u wajahaan Alshabaab. Wuxuu ka dhawaajiyey xubno sir oo ku dhexjira, una gudbiya xogta kooxda, isagoo ku adkeeyey inay iska qabtaan dadkaasi.

“Dowladda Soomaaliya waxa ay ballanqaaday in Geesiyaasha deegaanka iyo Qoysaskooda wax walba oo ku baxaya ay bixiso, waxaana la idinka rabaa in khawaarij iska celino, iskana qabano dadka Argagixisada tiftifka u ah.” ayuu yiri Hoggaamiye Cali Jeyte.

Ballanqaadkan ayaa lagu tilmaamay mid dhiirrigelinaya dadaalka ay wadaan ciidamada deegaanka ee Macawisleyda, kuwaas oo door weyn ka qaatay dagaalka ka socda Hiiraan iyo guud ahaan bartamaha Soomaaliya.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in ay si joogto ah u kordhin doonto taageerada ay siiso ciidamada deegaanka, si loo sugo amniga iyo xasilloonida bulshada.

Waxaa xusid in Ciidamada dowladda ay garabsiiyaan kuwa deegaanka ee dagaalka adag kula jira Alshaabab, iyada oo todobaadkaan horaantiisii ay gacantooda ka baxday degmada istiraatiiji ah ee Moqokori oo si weyn laf-dhabar ugu aheyd baraha laga abaabulo howlgallada ugu culus ee Alshabaab lagula jiro.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed