Dowladda Soomaaliya Muqdisho ka bilowday bixinta Kaararka codaynta Doorashada Dadweynaha

Guddiga Madaxbannaan ee Doorashooyinka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah uga bilaabay magaalada Muqdisho bixinta kaararka codaynta ee loo qoondeeyay dadka horey isku diiwaangeliyay Doorashada Dadweyne ee dowladaha hoose.

Howlgalkan ayaa ka socda 7 degmo oo ka tirsan gobolka Banaadir: Xamarweyne, Xamar Jajab, Shibis, Boondheere, Waaberi, Cabdicasiis iyo Shangaani, halkaas oo shaqaale gaar ah oo ka tirsan guddiga doorashooyinka la geeyay si ay u gutaan howlaha bixinta kaararka.

Mas’uuliyiin ka tirsan Guddiga Doorashooyinka iyo maamulka degmooyinka ayaa kormeer ku tegay xarumaha kaararka lagu bixinayo, iyagoo ku dhiirri-geliyay dadkii is diiwaangeliyay inay qaataan kaarkooda si ay uga qayb qaataan doorashada dhowaan ka dhici doonta caasimadda.

Guddiga doorashooyinka ayaa sheegay in jadwalku uu si buuxda u socdo, iyadoo marka hore laga billaabayo gobolka Banaadir, ka dibna laga gudbi doono dowlad-goboleedyada kale ee dalka.

Soomaaliya ayaa muddo dheer ku jirta dadaal lagu doonayo in lagu hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah, si dalka looga gudbiyo nidaamyadii hore ee ku salaysnaa ergada, qabiilka iyo magacaabista madaxda degmooyinka iyo gobollada.

Bilaabashada bixinta kaararka codayntu waxay calaamad u tahay horumar muuqda oo loo qaaday dhanka hirgelinta doorashooyin dhab ah oo dadweyne, balse siyaasiyiinta dowladda ka soo horjeeda ayaa diidan hanaank dowladdu wax u wado, iyaga oo ku doodaya inaan heshiis lagu aheyn sida ay ku andacoonayaan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed