Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Koofur Galbeed oo kordhayay howlgallada Al shabaab isla markaana abaabulay ciidamo Wadajir ah

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Al shabaab ee ka socda gobollada Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose, waxaana ciidamada daraawiishta ay xoojiyeen ciidamada dowladda Federaalka si ay uga xoreeyaan deegaanno muhiim ah oo ay kooxdu gacanta ku hayaan.

Sida ay warbaahinta sheegeen ilo-wareedyo laaamaha ammaanka ah iyo saraakiisha ciidanka , maalmihii ugu dambeeyay waxaa magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur ka socday diyaarinta ciidanka 60-aad ee dowladda Federaalka, kuwa Daraawiishta iyo dadweyne abaabulan.

Howlgalladan oo ah kuwo la sii xoojiyay ayaa loo kala qeybiyay dhowr qeybood, waxaana diiradda lagu saarayaa sidii loo xaqiijin lahaa isku socodka degmooyinka ay gacanta ku heyso dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, si aan loo jarin dhaqaalaha muhiimka ah ee ciidanka.

Wajiga labaad ayaa ah in weerar xooggan lagu qaado tuulooyinka ay wali gacanta ku hayaan Al shbaaab, lana xoreeyo deegaanadaasi. Ciidanka ayaa sidoo kale doonaya in ay fariisimo cusub ka sameystaan ​​xerooyinka lagu tababaro ee duleedka magaalada Baydhabo.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe booqasho ku tagay deegaano ka tirsan Gobollada Bay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed, iyagoo kulamo la qaatay hoggaanka ciidamada xoogga dalka oo ay ka wada hadleen arrimaha ammaanka.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ballan qaaday in dowladdiisa ay sii wadi doonto dagaalka guud ee ka dhanka ah Al-Shabaab. Labadii sano ee la soo dhaafay ciidamada ayaa horumaro la taaban karo ka sameeyay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed