Iyadoo roobabka guga ay ka curteen qaar ka mid ah gobolada dalka ayaa Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ee SODMA waxa ay soo saartay digniin ku aadan khasaaraha iyo saameynta ka dhalan kara roobabka. SODMA waxay uga digtay muwaadiniinta inay muujiyaan taxadar dheeraad ah iyo u diyaargarowga yaraynta khataraha la xiriira fatahaadaha.
Hay’adda ayaa digniin gaar ah u dirtay muwaadiniinta ku nool meelaha ay fatahaaduhu saameyeen sanadkii dabayaaqadii sanadkii hore.
SoDMA ayaa si gaar ah farta ugu fiiqday magaalooyinka Jowhar, Baladwayne, Buulaburte, Luuq, Doolow, iyo qaar ka mid ah degmooyinka ay maraan wabiyada, taasi oo muujinaysa khatarta ka dhalan karta hadii ay wabiyadu jabsadaan.
Degmooyin kale oo ka tirsan gobolada Bay, Bakool, Galgaduud, Gedo iyo Jubbada Hoose ayaa ka soo muuqday liiska meelaha halista ah ee ay soo saartay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka, gaar ahaan waaxda u qaabilsan khatarta iyo ka hortagga.
HBN NEWS DESK