Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa maanta ka digtay cudur halis ah oo ka dillaacay dalka Itoobiya, kaddib digniin ay soo wada saareen Wasaaradda Caafimaadka iyo Machadka Caafimaadka Qaranka. Warbixinta dowladda ayaa lagu sheegay in cudurkaasi uu yahay mid si degdeg ah ku faafa, isla markaana leh calaamado khatar caafimaad oo culus.
Cudurka la xaqiijiyay inuu ka dillaacay qaybo ka mid ah Itoobiya ayaa lagu magacaabaa Marburg (MVD), oo ka tirsan cudurrada fayraska ee aadka u halista badan, una eg Ebola. Hay’adaha caafimaadka ee Soomaaliya ayaa sheegay inay si dhow ula socdaan xaaladda, maadaama cudurkani u baahan yahay taxaddar degdeg ah.
Wasaaradda Caafimaadka ayaa bulshada uga digtay awoodda sare ee faafitaanka cudurka Marburg, gaar ahaan marka qof caafimaad qaba uu la xiriiro dareeraha jirka qof bukaan ah. Dowladda ayaa ugu baaqday shacabka, gaar ahaan kuwa deggan xuduudaha Itoobiya, inay muujiyaan feejignaan dheeri ah.
Machadka Caafimaadka Qaranka ayaa ku boorriyay dadka inay raacaan talooyinka caafimaad ee lagama maarmaanka ah, sida nadaafadda gacmaha, ka fogaanshaha dadka looga shakisan yahay cudurka, iyo ilaalinta nadaafadda deegaanka. Shaqaalaha caafimaadkana waxaa lagu adkeeyay inay adeegsadaan qalabka ilaalinta (PPE).
Ugu dambayn, Wasaaradda Caafimaadka iyo Machadka Caafimaadka Qaranka ayaa bulshada u xaqiijiyay inaan loo baahnayn argagax, balse loo baahan yahay feejignaan joogto ah. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay diyaar u tahay xakameynta khatarta cudurka, ayna wado wada-shaqeyn dhammaystiran oo ay la leedahay hay’adaha caafimaadka caalamiga ah.
Hbn Online Tv

