Dowladda Soomaaliya dib uga soo celisay dalka inka badan 160 dhalinyaro Liibiya ku xayirnaa

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay  161 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo ku xayiranaa dalka Libiya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Danjire Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in dhalinyaradaan Soomaaliyeed ee Tahriibayaasha ahaa ay si iskood ah dalkooda loogu soo celiyo, iyadoo loo marayo barnaamijka Is-xilqaan ee Bani’aadantinimada (VHR).

Muwaadiniita dalka dib ugu soo laabatay ayaa 74 ka mid ah waxaa ay gaareen Magaalada Hargeysa, halka 87 ay soo gaareen Caasimadda Muqdisho, waxaa dowladdu sheegtay inay ka go’antahay wax ka qabashada caqabadaha tahriibka iyo dib u soo celinta muwaadiniinteeda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macalin Fiqi ayaa ku nuux-nuux saday in si hagar la’aanta ah sida uu hadalka u dhigay ay uga go’an tahay DFS ilaalinta Badqabka muwaadiniinteeda ku sugan dalka dibadiisa iyo sidii ay dalkooda ugu soo laaban lahaayeen.

Dhanka kale Danjire Maryan Yaasiin, Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan Muhaajiriinta & Xaquuqda Carruurta ayaa muujisay sida ay ugu faraxsan tahay dadaallada la isku soo dubariday, iyadoo tilmaantay doorka muhiimka ah ee Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya ku leedahay ka hortagga caqabadaha Tahriibka.

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Karin Johansson iyo Madaxa Hay’adda IOM ee Soomaaliya Manuel Marques Pereira ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee wax ka qabashada caqabadaha socdaalka, iyaga oo bogaadiyay tallaabooyinka Dowladda Soomaaliya ay uga hortagayso dhibaatooyinka haysta muwaadiniinta.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed