Dadka Soomaalida ah oo ka aragtida dhiibtay wafdigaan DFS ay u dirtay Itoobiya ayaa si adag uga soo horjeestay go’aanka arinkaasi, waxaana ay sheegeen in wax la qaada kara aheyn in masuul dalka Soomaaliyeed matalaya uu maanta sida hadalka u dhigeen uu ka dego Addis Ababa.
Waxaa dadka qaar ay su’aalo iska weydiiyeen cidda qmudneyd Soomaaliya iyo Itoobiya loo tago maadama la og soonyahay waxa labada dhex yaala iyo qaabka ay aheyd in loo wajaho.
Sida oo dadka siyaasiiyiinta ah oo hadalo kooban ka qoray ayaa sheegay in go’aanka maanta madaxda hugaamiso uu ahaa mid laga haboonaa marka loo fiirsho fahamka Diblomaasidda.
Socdaalka Wafdigan ka socda Soomaaliya ee ku sugan Itoobiya ayaa ku soo aadaya xili saaraakiisha Soomaaliya ee gobolka Gedo ay ku eedeeyeen Ciidamada Itoobiya inay rasaas la dheceen Ciidamada Qaranka ee ku sugan dalkooda.
HBN ONLINE TV