Ciidamo dheeraad ah ayaa Dowladda Soomaaliya geysay Shabeellada Dhexe oo todobaadyadii ugu dambeyey xubno ka tirsan kooxda Alshabaab ay dhaqdhaaqyo ka wadeen deegaanno ka mid ah.
Aaggaga Ciidamada dheeraadka ah dowladda geysay ayaa waxaa kamid ah furiimaha hore ee deegaanka Cadaan-laxeey, Raagge Ceelle iyo degmada Ruunnirgood ee gobolka Shabeelada Dhexe, waxaana halkaasi lagu daabulay Cutubyo ka tirsan Booliiska Gaarka Haramcad.
Ciidamada oo ay la socdaan kuwa deegaanka ee Macawislayda loo yaqaan ayaa billaabay howlgallo ay ku xaqiijinayaan Amniga guud ee gobolka, iyaga oo ka hortagaya sida hadalka loo dhigay dhaqdhaaqyada ay Alshabaab ka wadaan deegaannada ka tirsan Shabeellaha dhexe.
Xili dhowrkii todobaad ay socdeen dagaallo adag oo dhexmaray Ciidamada dowladda Kooxda oo dooneysa inay dib u qabsato deegaanno laga saaray, ka dib markii duqeymo saf-mar ah lagu burburiyey goobo ay ku sugnaanyeen iyo gaadiid dagaal oo ay wateen. Masuuliyiinta Dowladda Federaalka iyo Hirshabeelle ayaa horay ugu hanjabay in ay xoojin doonaan howlgallada ka dhanka ah Alshabaab ee ka soconaya gobollada Shabeellada Dhexe iyo Hiiraan.
HBN ONLINE TV