Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta bilabay socdaallo diblomaasiyadeed dibadda ah, waxaana uu magaalada Jabuuti kula kulmay dhigiisa dalkaasi Ismaaciil Cumar Geelle. Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay sida ay sheegtay madaxtooyada Soomaaliya wada-tashiga iyo isku-duwidda dadaallada diblumaasiyadeed ee lagu difaacayo midnimada, madax-bannaanida iyo qaranimada dalka, iyadoo la adkeeyey muhiimadda mowqifka dalalka ka soo horjeestay kala qeybinta Soomaaliya.
Sida lagu sheegay warka Villa Soomaaliya, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo Shacabka Jabuuti “doorka walaaltinimo iyo hoggaamineed” ee ay ka qaadanayaan garab-istaagga Soomaaliya, gaar ahaan taageerada joogtada ah ee ku aaddan ilaalinta midnimada iyo madax-bannaanida dalka.
Labada hoggaamiye ayaa la sheegay inay isla qaateen go’aano iskaashi, si loo ilaaliyo xasilloonida gobolka. “Labada Madaxweyne ayaa isla qaatay in la sii xoojiyo wada-tashiga diblumaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal, si loo ilaaliyo xasilloonida Gobolka iyo mabaa’diida aasaasiga ah ee hagaya xiriirka dowladaha” ayaa lagu yiri warka Villa Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa sheegtay in mar kale ay ku celinayso go’aankeeda adag ee ilaalinta midnimada dhuleed iyo madax-bannaanida qaranka, iyadoo carrabaabtay inay “ku kalsoon tahay garab-istaagga iyo wadajirka dalalka gobolka”.
HBN ONLINE TV

