Dowladda Soomaaliya bayaan ka soo saartay dagaallada ka socda dalka

Dowlada Soomaaliya ayaa baaq ka soo saartay colaadaha iyo dagallada ka socda dalka, iyada oo sheegtay in beegsiyada socda ay ka ka baxsan yihiin sida ay hadalka u dhigtay shareecada Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Arrimaha GudahaXFS ayaa sheegtay inay ka xuntahay colaadaha dalka ka socda, waxaana ay ugu baaqday in la joojiyo, beegsiga iyo barakicinta shacabka ee sababtay khasaaraha lixaadka leh ee iskugu jira dhimasho, dhawac iyo barakac.

War-Saxaafadeedka Wasaaradda ayaa ugu baaqay Maamullada, Odayaasha dhaqanka, Culimada, Haweenka iyo guud ahaan wagaradka shacabka Soomaaliyeed inay u istaagaan joojinta colaadaha, kana shaqeeyaan Xasilloonida iyo sidii nabad waarta loo heli lahaa.

Soomaaliya qeyba badan oo ka mid ah waxaa ka socda dagaalo sababay khasaare naf iyo mid maal, iyada oo hay’adaha bini’aadantinimada ay sheegaayaan meelaha qaar kumaan ku barakeceen.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed