Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday guddiga ansixinta Baarlamaanaka maamulka Waqooyi Bari

Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta, ayaa u magacowday Guddiga Hubinta iyo Ansixinta Xubnaha Golaha Wakiillada ee maamulka cusub ee Waqooyi Bari.

Guddigan oo ka kooban 7 xubnood ayaa loo xilsaaray inuu xaqiijiyo in geeddi-socodka xulista xubnaha baarlamaanka cusub uu ku dhaco si waafaqsan habraaca sharciyeed iyo hufnaan, iyadoo la dardar-gelinayo dhismaha dawlad-goboleedka Waqooyi Bari.

Waajibaadka guddiga waxaa ka mid ah: hubinta in xubnaha la soo xulayo u hoggaansamaan shuruudaha dastuuriga ah. in qof aan buuxin shuruudaha uusan noqon xildhibaan. Fududeynta wada-hadallo lagu xallinayo khilaafaadka la xiriira xulista xubnaha.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed