Dowladda Shiinaha aad uga carootay caleema saarkii Madaxweynaha Somaliland ee horaantii Bishaan ka dhacay magaalada Hargeysa, ka dib markii lagu casuumay xubin muhiim ah oo ka socday Jasiiradda Shiinuhu sheegto ee Taiwan.
Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Geeska Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha Xue Bing ayaa yaab ku tilmamay inay ku noqotay casuumaadda wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda ee Taiwan uu uga qeyb galay xafladda caleema-saarka madaxweynaha la doortay ee Somaliland.
Waxaa uu sheegay in si adag ay uga soo horjeedaan arrintaas lagu dhaqaaqay, iyaga iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
“Somaliland waxay qabatay doorashadeeda guud, ama waxay ku sheegeen doorasho guud. Waxaa yaab nagu noqotay in maamulka maxalliga ah ay casuumeen wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda ee Taiwan si uu u soo booqdo Somaliland oo uga qeyb galo xafladda caleema-saarka madaxweynaha la doortay. Waxaan si adag uga soo horjeednaa arrintaa” ayuu yiri Xue Bing.
Sida oo kale waxaa uu shaaca ka qaaday inay ka soo horjeedaan in Taiwan ay la yeelato xiriirka rasmi ah Somaliland ama xariir kale.
Waxaa uu faray mas’uuliyiinta Taiwan iyo Somaliland inay si qoto dheer u fahmaan xaaladda taagan, isaga oo carrababka ku adkeeyey inay qeyb tahay dhulka Shiinaha Jasiiradan u dhaqanta sida dal dal madax banaan.
Waxaa uu ku booriyey Somaliland inay ku dhaqanto sida hadalka u dhigay mabda’a “Shiine hal ah” sida Dowladda Federaalka Soomaaliya sameyso oo kale
Hadalka Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Geeska Afrika, ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Shiinaha Xue Bing ayaa ku soo aadaya xilli uu kulan Muqdisho uu kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Wasiirka Arimaha Dibedda Axmed Fiqi uu kala hadlay Shiine hal ah, iyada oo Xukuumadda Beijing ay wado go’doominta dunida ee Taiwan.
HBN ONLINE TV