Dowladda Shiinaha ayaa si weyn u bogaadisay go’aankii dowladda Soomaaliya ee dhawaan lagu mamnuucday gelitaanka dalkooda muwaadiniinta Taiwan, taas oo lagu tilmaamay taageero muuqata oo ay Muqdisho u muujisay mabda’a “Shiine-hal ah”.
Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Shiinaha Guo Jiakun, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Beijing ku sheegay in: “Go’aankaas wuxuu muujinayaa sida Soomaaliya uga go’an tahay mabda’a Shiine-hal ah, taas oo Shiinuhu si weyn u qadarinayo.”
Sidoo kale, Afhayeenku wuxuu carrabka ku adkeeyay in ay dunidu ay ku dhaqanto Shiine-hal ah, isla markaana Taiwan ay tahay qeyb aan laga goyn karin dhulka Shiinaha.
“Qaraarka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2,758 wuxuu xaqiijinayaa mabda’a Shiine-hal ah,” ayuu yiri Jiakun.
Go’aanka Muqdisho ayaa imaanaya iyadoo uu sii xoogeysanayo loolanka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya Shiinaha iyo Taiwan, wuxuuna sidoo kale dhirbaaxo u yahay xidhiidhkii u dhexeeyay Taiwan iyo Somaliland oo Taiwan xafiis ku laheyd.
Inkasta oo Taiwan ay si adag u cambaareysay go’aanka Soomaaliya, hadane waxay muwaadiniinteeda ugu digtay inay u safraan Soomaaliya oo ay Somaliland ku jirto.
Dowladda Soomaaliya ayaa si joogto ah u muujisa inay aqoonsan tahay Shiine-hal ah, iyadoo Taiwan u aragta gobol ka tirsan Shiinaha, sida uu qabo mabda’a siyaasadeed ee ay Beijing ku adkeysato.
HBN ONLINE TV