Dowladda oo sheegtay in 18 bilood lagu soo afjaraayo dagaalka AS

Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in 18 bilood ee soo aaddan ay qorsheynayaan in guud ahaan dalka laga saaro kooxda Al-shabaab, xilligaas oo ay ku beegan tahay bixitaanka ciidamada ATMIS ee jooga dalka.

La-taliyaha amniga madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladsu ay soo gabagabeysay wajigga koowaad ee dagaalka Al-Shabaab, haddana  la bilaabayo wajiga labaad oo ay ka qeyb qaada doonaan ciidamada ka socda wadamada safka hore ee joogo Soomaaliya iyo saaxiibadda Caalamiga.

Xuseen Sheekh La-taliyaha Madaxweynaha Soomaaliya dhanka ammaanka  ayaa sheegay in Ciidamadda dowladda Soomaaliya loo diyaarinayo in dhammaan gacanta ay ku dhigaan ammaanka dalka kadib bixitaanka ATMIS 2024.

 

Intaas waxaa uu raaciyay  dhaqaalaha ay ciidanka ATMIS ku bixiyaan dalalka Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay  in loo wareejinayo ciidamada  Soomaaliya, kuwaas oo heli doono mushaar fiican oo ay ku qaban karaan shaqo dhammeystiran.

Xuseen Sheekh ayaa ka dhaawajiyay in  ciidamada baxay ee ATMIS bishii hore ee gaaraya 2,000 mushaaraadkooda loo wareejiyay ciimadda dowladda Soomaaliya.

Hadalkaan ayaa imaanaya iyada oo dowladda Soomaaliya ay ku jirto abbaabul xooggan oo ka dhan ah Al-shabaab, sidii looga xorreyn lahaa guud ahaan dalka, sidoo kale dowladda ayaa ku jirto barnaamij culus oo looga qaadayo cunnaqabateynta, si ay u soo iibsato hub badan oo ay kula dagaalanto Al-shabaab.

HBN NEWS DESK

 

 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed