Kulan degdeg ahaa oo ay isugu yimaadeeen masuuliyiinta Maamulka gobolka Banaadir iyo Wasaaradda Gaadiidka XFS ayaa go’aano ka soo saaray lacago badan oo ay sheegeen in laga qaadi jiray wadayaasha mooto Bajaajta, iyada oo inta shirka uu socday la isla meel dhigay in fulinta habraacyo iyo qaabka cusub oo la isla ogyahay.
kulanka oo lagu gorfeeyey dhageysiga cabasho kaga timid wadayaasha mooto Bajaajta ayaa lagu go’aamiyey in Ruqsadda wadida mootada oo awal aheyd 3 sano, hadda laga dhigay 5 sano, taasi oo ay soo dhameystiri doonto wasaaradda gadiidka ee dowladda Soomaaliya.
Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir, Saalax Cumar Xasan ayaa warbaahinta u akhriyay qoddobo laga soo saaray shir ay yeesheen Duqa Muqdisho iyo Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka, taasi oo la xiriirta cabashada maalmihii la soo dhaafay ay qabeen wadayaasha Mooto Bajaajta.
“Lacagta Leysinka waxaa laga dhigay 106.5 dollar, halka markii hore uu ahaa $200, Hadii uu leysinka kaa dhaco 32 doolar hadii uu kaa lumana 20 dollar, Mudada dhicista Leysinka oo markii hore aheyd sadex sano hadda waxaa laga dhigay 5 Sano, Ganaaxa qofkii Leysin la’aan ah oo markii hore aheyd $50 hadda waa $5, Warqadda Caafimaadka oo markii hore aheyd 25 ilaa 30$, hadda waa 15$ iyo Warqadda dhalashada iyo Sugnaanta waa $10 “ ayuu yiri Afhayeenka Maamulka gobolka Banaadir.
Go’aamadan ka soo baxay maamulka gobolka Banaadir ayaa ku soo aadaya xilli cabasho maalmihii la soo dhaafay ay qabeen wadayaasha Mooto Bajaajta, isla markaasna ay gaartay madaxda qaranka.
HBN ONLINE TV

