Madaxweynaha Masar Abdel Fattah Al-Sisi ayaa xaqiijiyay in dalkiisu uu taageersan yahay midnimada iyo xasiloonida Soomaaliya, isaga oo xusay xasilooni darada ka jirta dalka.
“Soomaaliya kuma taageerno Itoobiya darteed. Waanu taageernay sababtoo ah 30 sano ayey ku jireen xaalad degenaansho la’aan ah,” ayuu yidhi Madaxweyne Al-Sisi mar uu la hadlayay madax kala duwan oo uu ka qayb galayay xaflad ay ku qalin jabinayeen dufcad cusub oo ka qalin jabisay akadeemiyada Booliska.
Hadalka Madaxweyne Al-Sisi ayaa daba socda toddobaad feejignaan dheeri ah lagu sameeyay doorka Masar ee taageerada xasilloonida Soomaaliya, ka dib markii asbuucii hore Soomaaliya uu soo gaaray markab sida shixnad gargaar milatari oo aad u badan oo ka timid Masar.
“Danteenna anagaa naqaanna, sokeeyaheenna iyo shisheeyaheenna annagaa kala xulaneynna” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo hoosta ka xariiqay xoojinta xiriirka difaaca ee labada dal.
Taageerada milatari oo ka mid ah shixnadaha hubka casriga ah ee ugu weyn ee ay Soomaaliya ka hesho xulafadeeda caalamiga ah, ayaa astaan u ah tallaabo dheeraad ah oo lagu xoojinayo saamaynta sii kordheysa ee Soomaaliya ay ku leedahay masraxa caalamiga ah.
Kani waxa uu ahaa shixnad gargaar milatari oo labaad oo laga soo diro Masar, ka dib markii bishii Agoosto horaanteeda muqdisho ay ka soo degeen labo diyaaraddo ciidan ah ay keeneyn hub sida uu sheegay wasiirka arimaha dibedda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi.
Bishii Agoosto Masar iyo Soomaaliya waxay kala saxiixdeen heshiiska difaaca iyo hab maamuuska iskaashiga milateriga, xilli uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud booqasho ku tagay Qaahira. Heshiisku wuxuu dib u xaqiijinayaa sida ay uga go’an tahay labada dal xoojinta xiriirka labada dal iyo xoojinta amniga ee gobolka.
Sabtidii, Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badar Abdelatty, oo ka hadlayay dooda guud ee kalfadhiga 79-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa cambaareeyay dhammaan tallaabooyinka hal dhinac ee khatarta ku ah midnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya ee dhammaan dhulkeeda.
Hadalka Madaxweyne Al-Sisi ayaa mar kale xaqiijinaya sida ay Masar uga go’an tahay taageeridda midnimada iyo xasilloonida Soomaaliya, taasi oo rajo u ah mustaqbal nabad iyo barwaaqo u ah dalka.
Madaxweynaha Soomaaliya oo wareysi siiyey warbaahinta Al Jazeera ayaa waxaa uu sheegay in xiriirka ka dhexeeya Qaahira iyo Muqdisho uu yahay mid Masar dhismaha ciidamada tababarkooda iyo dhanka saadka kaga caawineyso dalkiisa, isaga oo hoosta ka xariiqay jiritaanka dowladdo kale oo ay ka dalbadeen in laga taageero dhinacaasi.
Todobaadkii hore Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa magaalada Baku kula kulmay dhiggiisa Asarbayjaan, Zakir Hasanov, iyada oo kulankooda wararka laga helay ay tilmaamayaan in ay ka wada xaajoodeen iska kaashiga dhanka difaaca ee labada.
HBN ONLINE TV

